​Sacad "Somaliland ma aqoonsana maamulka kale oo ka jira dhulkan"

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay wadahadallo u dhaxeeya iyaga iyo maamulka Khaatumo kadib shirar is daba jooga oo ay muddooyinkii dambe labada dhinac yeelanayeen.

Shire, oo warbaahinta hadal kooban siiyay, ayaa xusay in kulankoodu si wanaagsan ugu bilowday islamarkaana ugu soo gaba gaboobay isagoo tilmaamay isagoo intaas ku daray inay isku afgarteen sidii loo sii amba qaadi lahaa howlaha socda.

Wuxuu sheegay inay iyaga iyo Khaatumo isku waafaqeen sidii looga fogaan lahaa islamarkaan meel looga soo jeedsan lahaa gacan saddexaad oo arrimahooda soo dhexgasha.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu meesha ka saaray inay jiraan maamul kale oo ka arrimiya deegaanada Somaliland isagoo maamulka Khaatumo ku darayay inuu hoo yimaado xukuumadda Hargaysa.

"Somaliland hal dowlad baa ka jirta, anaga ma ictiraafsanin maamul kale oo dalkan ka jira, balse waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo Somaliland dhexdeeda ka jira..,"Ayuu yiri Sacad Cali Shire.

 Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wadahadleen xubnaha ka socday Khaatumo in amniga ay ka wada shaqeeyaan, hormarka iyo danta Somaliland.

Sacad Cali Shire, ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in qodobada lagu heshiiyey ay tahay in arrimaha horumarinta iyo deeqaha deegaanada Khaatumo sheegato ee Sool, Sanaag iyo Cayn loo soomariyo dhinaca Somaliland.

Waxaa xusid mudan in goobahaasi  wada sheegtaan Somaliland, Puntland iyo Khatuumo iyadoona beesha caalamka ay u aqoonsatay dhul lagu muransanyahay.

Wadahadalkan oo ka qabsoomay dalka iyo waddanka Ethiopia ayaa muuqda in Somaliland u wajahday qaab inay la hadlayso koox ka goosatay maamulkeeda, halka Madaxweynaha Khaatumo uu sheegay in loo wajahayo qaab maamul.

Majirto ilaa hadda cid si rasmi ah u aqoonsatay maamulka Khaatumo oo gacanta ku hayaa deegaano kooban halka inta kale ay maamulaan Somaliland iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM