Safiirka Turkiga oo Hargeysa tagey, kulana la qaatey Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu hogaaminayo safiirka Turkiga ee dalka Somalia, Mehmet Yilmaz, ayaa booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Danjire Yilmaz ayaa kulan la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, iyo mas'uuliyiin kale oo kamid ah Gollahiisa Wasiiradda, oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji Maxamuud.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Muuse Biixi, dhinacyadda ayaa isla gorfeeyay qodobo ku saabsan nooca xiriir oo ay yeelan karaan Somaliland iyo xukuumadda Ankara.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobadda laysla soo qaaday ay kamid tahay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jiro, kaasi oo dowladaha garwadeenka ka ah ay kamid tahay Turkiga.

Dowadda Farmaajo ayaa dhowr jeer wuxuu ku cel-celiyay inay ka go'an tahay in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda, balse, maamulka Hargeysa waxay shuruud kaga dhigeen inay noqdaan wadahadalo kuwa mirro dhal ah.

Socdaalka uu danjiraha Turkiga ku tegay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo Axadii uu halkaasi tegay wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo ay isla meel-dhigeen arrimo ku xeeran amniga gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM