Salaadiinta Awdal oo ka jawaabay hadalkii Faysal Cali Waraabe [DAAWO]

Image
Image
Image

BOORAMA - Madaxda dhaqanka, Odiyaasha iyo Salaadiinta gobolka Awdal ayaa si kukul uga jawaabey hadalkii dhawaan kasoo yeeray Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka maamulka Somaliland, ee [UCID].

Odiyaasha oo warbaahinta kula hadlay Borama, ayaa raali gelin ka bixiyay hadalkii Faysal, oo ay sheegeen inuu ahaa mid fool-xun, islamarkaana aan ka tarjumeynin aragtida shacabka iyo maamulka gobolka Awdal.

Hogaanka dhaqanka Awdal ayaa ugu baaqay ardayda kasoo jeeda Puntland ee ka wax ka barta Jaamacada Camuud iyo kuwa kale ee gobolka inaysan dheg-jalaq u siinin warka Faysal Cali Waraabe.

“Waa mid mas’uuliyad darro ah hadalka Faysal Cali Waraabe, waxaan leenahay Umadda Somaliland ka digtoonaada hadalka ninkan kasoo baxay ee dadka qabiilka ku kala qeybinaya, waa nin doonaya inuu dalka dumiyo,” ayuu yiri mid kamid ah Salaadiinta hadashay.

Oday kale oo hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in Faysal Cali Waraabe uusan xukumin Somaliland ama uusan matalin Boorama, sidaasi darteedna hadalkiisa uu yahay mid la iska yiri, oo aan micna ku fadhin.

Waxay qireen Odayaasha in Soomaalida ay yihiin shacab isku dhex nool, oo gobol walba jooga, sidaasi darteedna aan loo baahneyn in lagu lifaaqo siyaasada, oo lagu kala sooco deegaanada ka kasoo jeedan.

Jaamacadda Camuud ayay sheegeen inay tahay mid u furan cid kasta, islamarkaana ay ka go’an tahay reer Boorama inay difaacaan amniga ardayda martida u ah ee waxbarashada u jooga magaaladaasi.

Salaadiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Quraan-Jecel, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ee ahaa inay dib usoo celinayaan ardayda kasoo jeeda Puntland ee wax ka barata Jaamacadda Camuud.

Sidoo kale, Xildhibanada Golaha Deegaanka Boorama iyo Gudoomiyaha Awdal ayaa sheegay Inay Mas’uul ka yihiin amaanka Ardayda reer Puntland, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo.

Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la laayo ardayda kasoo jeeda Puntland ee dhigta Jaamacadaha Somaliland, isagoo hadalkiisa ku saleeyay dagaalka Somaliland iyo Puntland u dhaxeeya oo ah mid siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM