​Shacabka Somaliland oo maanta si wanaagsan u ciiday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland, waxaana si nabadgalyo ah uga qabsoomay weynaynta maalinta qiimaha leh ee Ciidul Adxa taasoo dunida Muslimka ahi u dareereen Dukashada Labada Rakcadooda iyo weynaynta malintaasi.

Waalidiinta iyo Carruur loogusoo labisay dhar qurux badan ayaa u dareeray waabarigii hore saaka goobaha cibaadada, si ay usoo gutaan waajibaadka.

Magaalada hargaysa Shacabka badankoodu waxay ku tukadeen salaada Ciidul Adxa Garoonka Hargaysa, balse Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa la ciiday Shacab kooban oo ku Tukaday Masaajidka jaamaca oo ku yaalla caasuamdda Somaliland, isagoo Hambalyana u diray shucuubta Islaamka meelkastoo ay joogaan.

“Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha Islaamka meel kastoo ay joogaan. sidaa darteed, waxaa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno. Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay,”Ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Saaladda kadib Siilaanyo ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay mas'uuliyiin iyo qaar kamid ah hal doorka bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM