Shirkii Brussels oo kala qeybiyay xisbiyadda Siyaasadda Somaliland

Image

BRUSSELS - Shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayey ee lagu qabtay wadanka Belgium, gaara ahaan magaaladda caasimadda ah ee Brussels, ayaa wuxuu kala qeybiyay Xisbiyadda ka jira degaanadda maamulka Somaliland.

Kala qeyb-sanaantaan ayaa timid kadib markii Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe uu ka qeybgalay shirkaan, islamarkaana uu iyo Cali Khaliif Galayr kula kulmeen Madaxweynaha Soomaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Faysal ayaa warbaahinta u sheegay inuu Shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya, uu ku metalayay Somaliland.

Laakiin, war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba aanan maamulkiisa waxba ka quseynin shirkii Brussels, uuna gaar u yahay dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Dhankiisa, Xisbigada mucaaradka ah ee WADDANI oo bayaan kasoo saarey arrimaha Shirkii Brussels, ayaa daboolka ka qaadey in Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ay direen Faysal Cali Waraabe, si uu ugu matalo.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay arrintaan ayaa ku nuux-nuux saday in maamulka Muuse Biixi uu wax badan kala socdo ka qeybgalka Faysal Cali Waraabe, sidaasi darteedna looga baahan yahay inuu shacabka u qiro midaas.

Shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa lasoo gaba-gabeeyay Taladaadii, waxaana laga soo saarey war-murtiyeed, oo lagu fahfaahiyay waxyaabihii looga hadlay, oo ay kamid ahaayeen dhinacyada, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada.

Faysal Cali Waraabe ayaa kulankiisa Farmaajo ku sheegay inuu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin deeqaha laga jarayo Somaliland iyo wadahadalada labada dhinac, oo hakad galay markii uu Farmaajo xukunka la wareegay.

"Deeqda waxaa lagu helaa magaca Soomaaliyeed, Somaliland-na waxay kamid tahay Soomaaliya. Marka Xisbiyada Somaliland, iyo xukuumada way nagu raacsan tahay inaan soo dhicino xaqa Somaliland ku leedahay lacagta loogu deeqo Soomaaliya," ayuu yiri Faysal.

Kala qeyb-sanaantaan cusub ee soo kala dhex-gashay Xisbiyada Somaliland ayaa waxaan la ogayn halka ay ku biyo shuban doonto, xilli WADDANI dhowr jeer dhawaan eedeymo kul-kulul u jeedinayay xukuumadda Muuse Biixi.

Faysal oo ah siyaasi mudo u hanqal taagayay xilka Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa isaga iyo xisbigiisa la sheegaa inay aad ugu dhow yihiin Xisbiga taladda haya ee Kulmiye, islamarkaana uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM