​Siilaanyo oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Cali Khaliif

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay safar shaqo uu ugu maqnaa waddanka Ethiopia gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Siilaanyo, ayaa sheegay in isaga wafdigiisa lasoo kulmeen Ra'isal wasaaraha dalka Ethiopia, Xayle-maryam Disalim oo ay kalasoo hadleen arrimo labada dhinac khuseeya.

“Wefti ballaaran oo aan hoggaaminayay waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay Caasimadda Ethiopia, Addis Ababa 28/10/2016. Aniga iyo xubnihii wefdigayga, waxaannu la kulannay 29/10/2016, Raysal Wasaaraha Ethiopia, Mudane, Xayle-maryam Disalim iyo Madax kale oo Kulankan ku wehelisay. Kulankaan Saaxibtinnimo ee uu nagu marti-qaaday Ra'iisul wasaaruhu Wasaaruhu, wuxuu ahaa, mid qiimo badan oo si diiran oo qadarin leh naloogu soo dhaweeyay. Labadayada dhinac, waxaan is-aragaan ku qaadaa dhignay, arrimo badan,” Ayuu yiri Siilaanyo oo warbaahinta magaalada Hargaysa hadal kooban ku siiyay.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday kulan dhexmaray isaga iyo Cali Khaliif Gallayr, madaxweyna Khaatumo, wuxuuna sheegay inay isla soo meel dhigeen amba qaadista arrimaha la xiriira wada hadalkooda, isagoo xusay inay mar kale isku arki doonaan dalka Ethiopia.

“Muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galayr. Waxaanu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinay in 17/11/2016, wada-hadalkii ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia. Arrimahaan Faah-faahintooda waxaannu kaga hadli doonna War-saxafadeed Maalinta Sabtida, 05/11/2016,"Ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan, ayaa yimid xilli la sheegay in labadaas mas'uul kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM