​Siilaanyo oo la kulmay Madaxa Inter Peace [Daawo]

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Madaxa hay'adda Inter Peace oo fadhigeedu tahay magaalada Geneva dalka Switzerland Scott M. Weber.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan hormarka maamulkaasi iyo mashaariicda Inter Peace ka fuliso deegaanada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo warbixin siinayay Mr. Scott ayaa sheegay in maamulkaasi gaaray hormar ballaaran isagoo tilmaamay in deegaanada Somaliland wada gaartay dimuqraadiyaddu.

Siilaanyo ayaa soo hadal qaaday booqasho uu ku tagay gobolka Sool kaasoo sheegay inuu kamid yahay gobollada maamulkiisa, wuxuuna xusay inay kasoo hirgaliyeen mashaariic badan dadkana kusoo wacyigaliyeen qaabka loo keenayo sanaadiiqda codbixinta iyo habka ay codadkooda u dhiibanayaan.

Dhinaca kale Agaasimaha Inter Peace oo hadalka qaatay ayaa ammaanay hormarka maamulkaasi gaaray isagoo sheegay inay la garab taagnaan doonaan taageeradoodaa maadaamada sida uu sheegay doorasho ka dhici doonto sannadkna 2016.

Scott, ayaa carrabka ku dhuftay inay maqsuud ka yahay qaabka wadashaqayntu ugala dhaxayso Somaliland, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan Shanta sano ee soo socota.

Booqashada Madaxa Inter Peace ayaa kusoo aaday xilli Somaliland diyaar garow ugu jirto doorashada madaxtinimo ee dhici doonta sannadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM