​Siilaanyo oo sami qaybsiga kuraasta Barlamanka iska riixay

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka gaabsaday inuu go’aan ka gaadho hannaanka saami-qaybsiga golaha wakiillada ee gobolada Somaliland oo dood adagi ka taagan tahay, waxana uu golaha wakiillada ku riixay inay arrintaas kasoo taliyaan.

Warqad uu madaxweynuhu arrintan kaga hadlayo, ayuu  14 June 2016 u soo qoray guddoomiyaha golaha Barlamanka ahna hoggaamiyaha Waddani Cabdiraxmaan-cirro, isagoo kaga codsaday inuu isugu yeero xisbiyada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinka si loo qaybsado kuraasta Barlamanka.

Warqadda kasoo baxday madaxweynaha Somaliland ayaa u qornayd sidan;

Anigoo tixraacaya warqada aad ii soo dirtay ee sumadeedu tahay REF: GW/G/16/41/44/2016, ujeedaduna tahay in talo qaran laga yeesho qaybinta kuraasta Golaha Wakiilada, anigoo ka duulaya inay ka mid tahay  xilka iyo waajibaadka saran golaha wakiilada diyaarinta qabyo tirka iyo diyaarinta xeerka doorashada wakiilada oo ay ku jirto qaybinta kuraastu.

Anigoo aaminsan ahmiyada ay leedahay in Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladu ay ku dhacaan xilligii loogu talagay,

Anigoo darsay warbixinta ay Golaha  usoo  gudbiyeen Guddida Arrimaha Guddaha, Difaaca iyo Nabadgalyada ee Aqalka Wakiiladu taas oo ku lifaaqnayd waraaqdaadii.

Anigoo xogogaal u ah duruufaha iyo dareenada ku xeeran qabyo tirka xeerka doorashada golaha wakiilada, gaar ahaan saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.

Haddaba, haddii ay ku adkaatay aqalka aad odeyga u tahay inuu isku raaco ama ku dhiirado,ansixinta qodobada bud-dhiga u ah xeerkan, ee ay ka mid tahay qaybinta kuraasta wakiilada cusub.

Waxaan soo jeedinayaa inaad shir gudoonkiina golaha wakiiladu aad hormood ka noqotaan isla markaana haaneedka qabataan  wada tashi loogu gogol xaadhayo, sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku xeeran, diyaarinta iyo ansixinta xeerka Doorashada Golaha Wakiilada,iyadoo lagu xisaabtaamayo wakhtiga gaaban ee Doorashada ka hadhay.

Sida darteed waxaan lagama maarmaan u arkaa in laga qayb galiyo talada arintan, darafyada iyo daneenayaasha kale ee ay quseeyso (stakeholders), ee hoos ku xusan:

1-Madaxda saddexda Xisbiga ah qaran oo ah aasaaska nidaamkeena  siyaasadeed

2-Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ah Hay’adda inoo qaabilsan maamulka iyo  maareeynta Doorashooyinka

3-Ururadda Bulshada oo matalaya, bulsho weynta  Somaliland isla markaana ah tiir iyo dhadhaab adag oo xagga dimuqraadiyada iyo kalsoonida shacabka.

Waxaan rajaynayaa inaad wada tashigaas balaadhan ka soo saari doontaan talo dhaxal gal ah oo suurtagelin karta doorasho xor iyo xalaal ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM