​Siilaanyo oo soo xiray mashruuca codbixinta doorashooyinka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagusoo gunaanadayay mashruuca codbixinta doorashada ee ka socotay deegaanada Somaliland.

Waxaa kulanka oo ka dhacay magaalada Hargaysa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo guddiga doorashooyinka, waxaana laga jeediyay khudbado kala duwan oo looga hadlayay marxaladihii lasoo maray iyo qaabka codbixintu u dhacday.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay gunaanadka codbixinta, wuxuuna ammanay guddiga doorashooyinka iyo shacabka sida wanaagsan ee ay howshaasi isula qabteen.

"Gunaanadka iyo dhammaystirka Mashruuca Diiwaangelinta Codbixiyayaashu; waa galad Eebe iyo guul u soo hoyatay guud ahaan  Somaliland,"Ayuu yiri Siilaanyo

Wuxuu sheegay inay muuqato bisayl siyaasadeed iyo ka go'naansho siyaasadeed, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xasiloonida iyo kala dambaynta ka jirta deegaanada Somaliland.

"Arrintani waxay daaha ka rogtay bisaylka iyo baraaruga Bulshada Somaliland. Waxay ka markhaati kacday in ay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo horumar weyn ka sameeyey nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan, taas oo aan ka tisqaadin in badan oo ka mid ah qaaradda Africa,"Sidaas waxaa khudbaddiisa ku daray madaxweynaha Somaliland.

Mahadcelin ayuu usoo jeediyay xubnaha taageera maamulkiisa gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda, isagoo soo hadal qaaday go'aankii ay kaga hor yimaadeen doorashada la kala qaaday, wuxuuna yiri, "Sidoo kale, waxaan uga mahadnaqayaa dalalka deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay ee UK, iyo EU (Midowga Yurub) taageeradii ay inaga siiyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha.Hase yeeshee, waxa dhacda in saaxiibadu arrimaha qaarkood ka yeeshaan aragtiyo kala duwan. Haddaba, waxaanu aaminsanahay in dal waliba uu arrimaha gudihiisa cid walba uga xog-ogaalsan yahay, ugana lexjeclo badan yahay. kala reebista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilladu waxay salka ku haysaa danta guud ee Somaliland".

Wuxuu sheegay in doorashada Madaxtooyadu dhici doonto horaanta sannadka soo socda isagoo sheegay in xukuumaddu isu diyaarinayso sidii ay u dabari lahayd kharashaadka ku baxaya.

"Waxaa iga go’an, in Doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 28/03/2017, Ku talo-galkii hore wuxuu ahaa in aanu bixinno 25% kharashka diiwaangelinta iyo doorashada, hase yeeshee waxay xukuumadddu bixisay 50% kharashaadkii ilaa hadda ku baxay diiwaangelinta,"Ayuu yiri Siilaanyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweyne Siilaanyo beesha caalamka ku dhaliileen kala qaadista doorashada Madaxtooyada iyo midda golaha wakiillada Somaliland taasoo iminka labo xilli dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM