​Siilaanyo oo xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Macdanta [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Silaanyo) ayaa maanta xariga ka jaray dhisme ay yeelatay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, kaasoo noqday dhismihii ugu casrisanayaa ee wasaaradaha xukuumadda loo dhisay mudadii uu xilka hayay madaxweynaha haatan ka taliya maamulkaasi.

Dhismahan oo loo sanceeyay qaab casri ah ayaa laga dhisay xaqulqalin laga qaaday hay'ado la sheegay inay Shidaal kasoo saaray deegaanada Somaliland.

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xiriirka la leh wasaaradda Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, isagoo shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey.

Siilaanyo oo ka hadlay hormarka maamulkiisu gaaray ayaa yir, “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxaa marag ma doonta ah in xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey heshiiskii casriyaynta iyo ballaarinta Dekeda Berbera oo shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna".

Madaxweyne Siilaanyo oo sii hadlay ayaa mahadcelin u jeediyay dhammaan xubnihii ka qayb galay dhismaha aqalkan, wuxuuna soo jeediyay in la ilaaliyo islamarkaana bulshada si wanaagsan loogu adeego.

"Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu shirkadda baadhista shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta,"Sidaas waxaa khudbadiisa ku daray madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale goobta waxaaa ka hadlay mas'uuliyiin uu jiro wasiirka wasaradda iyo kasoo qayb galayaashii xarig jarka wasaaradda, waxayna soo dhaweeyeen dhismaha kusoo biiray xarumaha wasaaradaha Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM