Sicir Bararka oo Muran ka Abuurtey Somaliland [Daawo]

Image

HARGEYSA- Dhibaatada Sicir Bararka ku hayo dhaqaalaha maamulka Somaliland ayaa waxaa uu dood ka dhex abuurey xisbiyada Somaliland kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi guddi ka soo baaran daga sidii xal loogu heli lahaa arintaan u magacaabey dhowaan.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Waraabe oo ka hadlay Sicir Bararka ayaa ku tilmaamey in Madaxweynaha Somaliland uu wado Mala-Awaal isagoo sheegey in si sahlan aan lagu xalin karin dhibaatadaan iyadoo caqabadaha taagan aan la wajihin.

Faysal Waraabe ayaa hadalkiisa ku xusey in Somaliland aysan dal buuxa aheyn islamarkaana aysan laheyn wax siyaasad dhaqaale oo ka howlgasha dhulka uu sheegto maamulkaan.

" Caasimadeena ayaan wadi kari la'nahay oo aan kudaafada iska qaadi kari la'nahay oo dhirta iska jari la'anahay oo aan Town plan sameysan la'nahay, tuulo ma wada yeelan karno, reer walba meel ayuu dagan yahay, ilaa hadda ayaan ku jirnaa dagaalkii qabaa'ilka ." ayuu yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlaya qaabka dowladeed ee ka jira mamaulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo guddi u magacaabey xalinta Sicir Bararka ayaa wararka waxay sheegayaan iney go'aamo soo saareen saameyn ku yeelanaya shaqada shirkadaha ganacsiga ee ka howlgala Hargeysa kuwasoo lagu khasbey iney lacagahooda dhigtaan Bangiga dhexe.

Qodobada guddigaan soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah in la xadido nidaamka xawilaada ee la yiraahdo Saadka iyo E-Dahab kuwasoo la sheegey in jaangooyo loo sameeyo lacagha dollarka ee la isugu dirayo ama lagu kaydsan karo.

Shirkadahaan ayaa weli ka hadlin soo jeedinta guddiga Sicir Bararka iyadoo dhinaca kale warar sheegayaan in xukuumada Somaliland ku amartey shirkada DP World ee maamusha dekada Berbera iney xisaab ka furato Bangiga Dhexe ee maamulkaas. Shirkadaan ayaa lacagaha khidmada ah ay ka qaadato dekada Bebera u badalata lacagta dollarka.

Biixi ayaa golihiisa xukuumada ee uu dhowaan magacaabey lagu eedeeyaa iney yihiin kuwo khibrad la'aan ah oo u badan dad dhalinyaro ah kuwasoo aan wajihi karin dhibaatooyinka dhaqaale iyo amni ee haysta maamulkaan.

Muuse Biixi ayaa tan iyo inta uu xilka qabtey waxaa uu la soo gud-boonaadey dhibaatooyin la xiriira dhaqaalaha, amniga kuwasoo sababey in qaabka hogaamintiisa loo soo jeediyo eedeymo badan ay kamid yihiin inuusan qaadan talooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM