Siyaasiyiin ka tirsanaa Kulmiye oo ku biiray xisbiyada mucaaradka

Image

Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo. Waxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo.

Image captionSiyaasiyiin ka tirsan Kulmiye ayaa ku biiray WaddaniSiyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo. Waxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo. 

Raggan waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis. Muddo billooyin ah ayay wadahadalo kula jireen xisbiga mucaaradka ee Wadani, maanta ayayna shaaciyeen inay rasmiyan uga mid noqdeen xisbigaasi. 

Waraysi ay labadan mas'uul siiyeen BBC-da ayay ku sheegeen inay xoojinayaan xisbiga Wadani qaabdhismeedkiisana wax laga badali doono. 

Somaliland waxaa ka dhisan sadax xisbi oo kala ah; Kulmiye oo taladda haya, iyo xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Doorashada guud ee madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in la qabto bisha March ee sanadka 2017-ka.

BBC

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM