​Siyaasiyiin kabaxay Kulmiye oo hishiis laga galay Wadani

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Xisbi siyaasadeedka Wadani, ayaa maanta xaflad u qabtay siyaasiyiin saamayn ku leh saaxadda siyaasada Somaliland  kuwaasoo dhawaan kusoo biiray kadib markii ay isaga baxeen Xisbul Xaakimka Kulmiye.

Xafladdan oo ka dhacday magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland ayaa lagu shaacinayay ku biirista siyaasiyiinta isbahaysiga dimuquraadiyad doonka Kulmiye, waxaana goobjooga ka ahaa Wasiirradii hore Madaxtooyada, Arrimaha dibadda, Cadaaladda, Howlaha Guud, Waxbarashada, Biyaha iyo Wasiir ku-xigeennadii hore ee dib-u-dejinta, Ganacsiga, Hawlaha Guud, agaasimeyaal iyo xildhibaano xilal sare ka hayay Xisbiga Kulmiye.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka hadlay midawga garbka is-bahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Wadani ayaa yiri ,"Xisbiga wadani waxanu u nimid inaanu Qaranka hogaan xumo ka bad baadino”.

Dhinaca kale Afhayeenka  is-bahaysiga Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid  oo  madasha ka akhriyey khudbad la xidhiidha hishiis labada dhinac wada gaareen ayaa xusay in qorshahoodu yahay sidii Xisbigan uu guulo uga soo hoyin lahaa doorashada soo socota ee madaxtooyada.

"Heshiisku waxa uu salka ku hayaa  sidii xisbiga wadani guulo uga soo hoyin lahaa doorashada madaxtooyada ee sanadka soo socda dalka ka dhici doonta, sidoo kale heshiiska aanu Wadani la galaynay ayaa ah in uu ka dhax muuqdo Barnaamijka xisbiga ee doorashada lagu galayo,”Ayuu yiri Afhayeenka is-bahaysiga garabka kasoo goostay Kulmiye.

Gabogabadiina waxa xaflada ka hadlay Guddomiyaha Waddan Cabdiraxmaan Cirro oo sharaxay Heshiiska ay kala saxeexdeen siyaasiyiinta is-badal doonka ah, wuxuuna sheegay inay ka go'antahay sidii loo fulin laha iyadoo mid la yahay ee aysan ahayn labo garab.

Mar uu Cirro ka hadleyey darajooyin cusub oo dhawaan lagu soo daray xisbgiisa waxa uu yiri, "Xilka gudoomiyaha xisbiga Waddani waa sidiisii , awoodihiisu waa sidiisii lakiin baahiyaha xisbigu gudoomiye kaliya kuma koobna , sidaas darteed waxaa la soo jeediyey in la sameeyo hogaamiye loona dhiibo xilal mihiim ah oo lagu qeexi doono xeerka  xisbiga hadii EEBBE idmo".

Siyaasiyiintan kusoo biiray Wadani, ayaa horay uga tirsanaa xukuumadda talada haysa, balse waxay mar qura iska casileen xilalkoodii kadib markii khilaaf ka dhashay murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ee madaxweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM