Somaliland: 14 qof oo ku dhimatay shil gaari

Image

GABILAY- 14 ruux ayaa ku naf-waayay 9 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo qaybtood aad u liidato, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari nawaaxiga magaalada Gabiley ee galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Baabuurta isku dhacday ayaa kala ahaa Noah iyo Landcruiser, waxaana shilkani keenay sida ay noo sheegeen dadka xog ogaal u ahaa dhacdadan, jiiro ama goolad gawaaridani xowli kusoo galeen.

Dadka dhintay ayaa u badnaa dhalinyaro, waxaana Noah-da oo badi lagu nafwaayay katimi caasumadda Somaliland iyadoo kusii jeeday Wajaale.

Dhaawacyada shilkan, ayaa loosoo daad gureeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Arrintan, waxaa durba ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud "Siilaanyo", isagoo sheegay in falkani yahay wax aad looga naxo, wuxuuna tacsi u diray dhammaan qoysaskii iyo ehelkii dadkoodu ku naf-waayeen shilkaasi.

Somaliland  waxaa ku badan isku-dhacyada gawaarida, waxaana inta badan ku nafwaayo dad badan iyadoo arrinkaasi loo aaneeyay xowliga baabuurta iyo khibrad yaraanta darawallada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM