​Somaliland: Dad ku geeriyooday Roobab ka da'ay Awdal

Image

BOORAMA- Kadib roob ku dhawaad Saddex saac oo xiriir ah ka da'ayay gobolka Awdal gaar ahaan magalada Dila oo qiyaasti 30-km dhinaca  bari kaga beegan magaalada Borama, ayaa keentay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana saamaynta ugu badan taabatay carruur dad waayeel ah iyo goobo ganacsi.

Inta la xaqiijiyay, waxaa dhimatay lix ruux, waxaa sidoo kale jirto dad kale oo saameeyay roobkaasi, waxaana arrintani timi kadib markii Balliyo ku yallay Dilla kusoo fataheen magaladaasi.

Sida uu guddoomiyaha gobolka Awdal warbaahinta u xaqiijiyey, waxa jira dad aan ilaa iyo haatan tiradooda la haynin oo la la’yahay, kuwaas oo la filayo inay dadadku qaadeen, halka tiro  kalena dhaawacyo  yihiin, loona daad gureeyey cisbitaallada magaladaasi.

Waxaa socda gurmad xooggan oo lagu raadinayo dadka la la’yahay iyo kuwa daadadka weli ku jira, iyadoo ay weli jirto cabsi xooggan oo laga qabo in daad kale yimaadaan.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii dad tiradoodu gaarayso ilaa 10-qof u geeriyoodeen harraad iyo gaajo ka dhalatay abaaro xooggan oo gobolka Awdal ku dhuftay, taasoo keentay in maamulka gobolkaasi ku dhawaaqo xaalad dag-dag ah, waxaana wali taagan abaaro ka jira Somaliland inkastoo gobolkan ahaa kii ugu darnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM