Somaliland: Diwaangalin ka bilaabatey gobolka Awdal

Image

HARGEYSA, Somaliland- Gobolka Awdal ayaa saaka waxaa ka bilowdey diwaan galinta codbixiyaasha doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Somaliland sanadka 2017.

Diwaan galintaan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya shaqaale farabadan oo ay hurmuud ka yihiin ardeyda Jaamacada Camuud iyo gaawri gaareysa 300 kuwasoo ka shaqeynaya dhamaan degmooyinka gobolkaas ka kooban yahay.

Xisbiyda ku tartamaya doorashada madaxtimino ee Somaliland ayaa madaxdooda ku sugan tahay goobaha diwaan galinta ka socoto kuwasoo kawada ololahooda doorasho.

Madaxda xisbiyada gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga talada haya Muuse Biixi ayaa kamid ah siyaasiyiinta ku sugan gobolka Awdal kuwasoo kulamo la qaadanaya hogaamiyaasha buslhada halkaas ku sugan.

Diwaanglintii kowaad ee doorashooyinka Somaliland ayaa bilaabtey gobolka Togdheer iyadoo halkaas dadweynaha dagan si buuxda uga ka qayb qaateen.

Doorashooyinka madaxweynaha iyo wakiilada Barlamanka ayaa la filayaa iney ka dhacdo Somailand sanadka 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM