Somaliland: Dugisga Abaarso oo ka jawaabey eedeymo loo jeediyey

Image

HARGEYSA: Guddiga maamulka dugsiga la yiraahdo Abaarso ayaa qoraal ay ku daabaceen bartooda Facebook ku diidey eedymo maalmahaan uga imaanayey wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah dadka baraha bulshada aadka wax ugu qora.

Dugsiga Abaarso oo uu asaasiiskiisa lahaa Jonathan Starr kaasoo u dhashey dalka Mareynakna ayaa waxaa dhidibada loo taagey sanadkii 2009 iyadoo macalimiinta wax ka dhigta isugu jiraan kuwa ajaanib ah iyo Soomaali ah, waxaana uu ka kooban yahay dhismihiisu goobo waxbarasho iyo degaan.

Dugsigaan oo ku yaal duleedka magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex ayaa heerkiisa waxbarasho waxuu ka koobantaa heerka shahaado Iskuul 7-12 waxaana qaybtiisa dugsiga sare lagu darey sanadkii 2013. Ardada dugsiga Sare dhigata ayaa tiradooda gaareysa 120 halka kuwa heerka dhexe/hoose tirakoobkoodu yahay 98.

Coldoon oo olole ka dhan ah Iskuulkaan ka waday maalmihii lasoo dhaafey bartiisa Facebook ayaa qorey iney Abaarso leeyihiin dad isugu jira maalqabeeno u dhashey dalka Mareykan ah kuwasoo qaarkood diintoodu tahay Jewish isagoo ku eedynaya iney dano diimeed ka leeyihiin asaaska goobtaan waxbarsho.

Warsaxafdeed kaasoo baxay maamulka Iskuulkaan ayaa lagu sheegey magacyada xubnaha guddiga agaasinka Abaarso kasoo khilaafsan Liis Cabdimalik Muuse soo dhigey bartiisa Facebook.

"Dugsigu waxa uu leeyahay qaab-dhismeed ka kooban Guddida Agaasinka (Board of Directors) oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood oo dhammaantood ka mid ah waalidiinta carruurta, isla markaana ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Xilka Guddidan waxa ka mid ah dejinta siyaasadda lagu maamulo dugsiga, haddii ay tahay wax-ku-biirinta manhajka, shaqaalaynta maamulaha Dugsiga, wacyigelinta diinta, dhaqanka, anshaxa suubban, xidhiidhinta dugsiga iyo daneeyeyaasha sida Wasaaradda Waxbarashada, Dawladda Hoose, Maaliyadda, Amniga, Arrimaha Dibedda iyo taakulaynta xagga dhaqaalaha ee dugsida." ayaa lagu sheegey warsaxafdeed ka soo baxay Iskuulkaan mar uu ka hadlayey maamulka Iskuulka dadka uu ka kooban yahay.

Fadumo & Sihaam oo ka baxay Abaarso waxay ka qalan jabiyeen Jaamacada Rochester/Abaarso Faceboo

Dhinaca kale Qoraalka ayaa lagu sheegey in tan iyo intii iskuulkaan la aasaasey waxbarasho dalka dibadiisa u direen ardey gaareysa 134 kuwasoo loo kala direy dalalka Islaamka iyo kuwa reer galbeed ah.

Dugsiga Abaarso maamulkiisa oo muddo aan ka jawaabin eedeymaha baraha bulshada ka bilaabey Coldoon ayaa warsaxafadeedka uu soo saarey waxaa uu u qoraa sidatan:


BAYAAN KASOO BAXAY GUDDIDA AGAASINKA EE DUGSIGA ABAARSO SCHOOL

Annaga oo ah guddida agaasinka (Board of Directors) ee Dugsiga Abaarso School, waxa soo if baxday beryahan danbe weerar iyo dibindaabyo kasoo yeedhaysa warmooge, Cabdulmaalik Muuse Coldoon, weerarkaas oo ku jihaysan Dugsiga Abaarso, ahna mid ka fog xaqiiqada ka jirta Dugsiga iyo agaasinkiisa.
Dugsigani waxa uu jiray ilaa 2009kii, waxana himilooyinkiisa ka mid ah:
• in uu ardayda u gudbiyo waxbarasho tayo sare leh;
• in uu soo saaro dhallinyar ku gaadhan aqoon, kalsooni, karti, himilo fog, iyo akhlaaq ay nafahooda iyo bulshadooda ku horumariyaan;
• In ardayda lagu barbaariyo is-diridda (mutadawacnimada), iyo in ay bulshada wax ku celiyaan, oo tusaale-ahaan iyaga oo wax barta ay aqoontooda u fidiyaan qaar ka mid dugsiyada, sida kuwa agoomaha (inta ay ka gaadhi karaan) iyo ardayda dugsiga tuulada Abaarso.
• In ardayda ka baxda Dugsiga lagu barbaariyo waddaniyadda iyo in ay horumarka dalka ka qayb qaataan.

Dugsigu waxa uu leeyahay qaab-dhismeed ka kooban Guddida Agaasinka (Board of Directors) oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood oo dhammaantood ka mid ah waalidiinta carruurta, isla markaana ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Xilka Guddidan waxa ka mid ah dejinta siyaasadda lagu maamulo dugsiga, haddii ay tahay wax-ku-biirinta manhajka, shaqaalaynta maamulaha Dugsiga, wacyigelinta diinta, dhaqanka, anshaxa suubban, xidhiidhinta dugsiga iyo daneeyeyaasha sida Wasaaradda Waxbarashada, Dawladda Hoose, Maaliyadda, Amniga, Arrimaha Dibedda iyo taakulaynta xagga dhaqaalaha ee dugsida. Waxa kale oo jira Guddida Waalidiinta oo ka kooban 11 xubnood. Xilka Guddida Waalidiinta waxa ka mid ah ilaalinta anshaxa, wacyigelinta diinta, fayodhowrka, cuntada, xoojinta xidhiidhka macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta.

Guulaha wax-ku-oolka ah ee uu soo hooyay Dugsigu intii uu jiray waxa ka mid ah:

- Aqoonsi caalami ah oo uu dugsigu helay, markii uu buuxiyay shuruudaha caalamiga ah ee dugsiyada dhiggiisa ah, taas oo suurto gelisay in ardayda ka baxda dugsigu ay geli karaan jaamacad kasta oo adduunka ah.
- Waxa kale oo uu ka mid yahay 11ka dugsi ee heerkooda waxbarasho ugu tayo fiican yahay qaaradda Afrika.
- In ardaydii u baxday waxbarasho dibadeed ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen jaamacadihii ay dhiganayeen, qaarkoodna ay mutaysteen shaahaadooyin Sharaf, arrinkaas oo magaca Somaliland iyo inta AfSoomaali ku hadasha kor u qaaday, loona aqoonsanaan karo danjireyaal dalkooda ah.
- Dugsigu waxa uu dhowaan mutaystay shahaado Sharaf waxtarka uu bulshada taray awgeed - taas oo ay bixiyeen ururka International Somali Awards (ISA).
- Tiro gaadhaysa 134 arday ayaa ku guulaystay in ay helaan deeqo waxbarasho kala duwan, jaamacado ku yaal dhammaan daafaha dunida. Jaamacadahaas waxa ka mid ah kuwa ugu magac dheer adduunka sida Harvard, MIT, Yale, Columbia University iyo qaar kale oo ka tirsan dunida Islaamka oo ku yaal dalal ay ka mid yihiin Lebnaan iyo Qadar.

Haddaba, kol haddii aynnu dad muslimiin ah nahay, waxa waajib innagu ah in aynnu gudbinno xog run ah oo sugan. Hadalka fitnada ah ee ka soo yeedhay warmooge, Coldoon, waa hadallo uu eed ka galay in ku dhow 500 oo waalid iyo carruurtoodii, eedahaas oo u dhigan sumcad-dil ku beegan dugsiga iyo agaasinkiisa, ardayda iyo waalidiinta, Ilaahayna kala xisaabtami doona. Waxana is-weyddiin mudan, miyuu Coldoon, oo aan marnaba soo ag joogsan dugsiga, kuna howl galay ku-tidhi-kuteen, miyuu uga danayn iyo lexejeclo badan yahay waalidiintaas tiradoodu ku dhowdahay 500? Jawaabtu waa maya! Ma habboona in bulshada lagu jahowareeriyo male-awaal. Waxa kale oo xusuus mudan inaanay dhaqankeenna iyo ka Islaamka ka mid ahayn sumcad-dilku. Waxa kale oo xusid mudan in dugsigani yahay mid ay bulshadu leedahay, waxtar la taaban karona muujiyay. Sidoo kale, waxa aan habboonayn in la aflagaadeeyo, lagana abaal-ka-dhaco ciddii ay innaga dhexayso waxtar wax ku ool ahi.

Magacyada Guddida,Agaasinka

Axmed Suldaan Jambiir, Guddoomiye
Saciid Axmed Maxamuud, Guddoomiye-xigeen
Cabdi Xasan Ducaale,
Sheekh Maxamed Mahamuud Xirsi
Abdulqaadir Xaashi Cilmi, Axmed Ibraahin Cawaale, Amaal Ahmed Misaan, Jinaw Maxamed Qaalib, Cumar Jamaac Faarax

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM