Somaliland: Duqa magaalada Boorama oo isku day dil ka badbaadey

Image
Image

BOORAMA, Somaliland – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar xalay lagu qaadey guriga duqa magaaaladda Booroma, Saleebaan Xasan Xadi, sidda uu isagu u xaqiijiyey warbaahinta gudaha.

Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa waxaa lagu waramay in ay rasaas ooda uga qaadeen afafaafka hore ee hoyga.

Dadka degaanka xarunta gobolka Awdal ayaa shaaca ka dhigay in ay maqleen daryenka rasaas culus "oo u muuqatay iska hor-imaad".

Mr Xadi oo war-fidiyeenka ugu waramay khadka telefoonka ayaa daboolka ka qaadey in uu badqabo isla markaana aysan dhibaato soo gaarin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xilliga uu falkaas dhacayay ay guriga ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyska mas'uulka, wallow ay badqabaan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda duulaankaas oo imaanaya xili bilooyinkii u dambeeyay ay soo kordhayeen falal noocaas ah.

Jabhado u abaabulan qaab beeleed ayaa ka jira qaybo kamid ah degaanada maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kuwaas oo sheegay in hab-dhaqanka xukuumadda Biixi ku qasabtay in ay hub qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM