Somaliland ee shaacisay mowqifkeeda ku aadan mashruuca Baxnaano

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa Beesha Caalamka u diray warqad uu ku caddeynayo mowqifkiisa ku aadan mashruuca Baxnaano ee madaxweyne Farmaajo ka daahfuray Muqdisho.

Sidda ku xusan qoraalka, xukuumada Muuse Biixi ayaa u aragta barnaamijkaas "faragelin qaawan oo lagu waxyeeleeynayo amniga degaanada Somaliland laguna marin-habaabinayo caalamka".

Dowladda Soomaaliya ayuu kaga digay "isku dayga taagta daran ee ku dooneyso in ay ku farageliso 'madax-banaanida' Somaliland kana waantowdo xuduudaha caalwaaga ah ee Somaliland".

Baanka Aduunka ayay ka codsadeen in uu ka fiirsado kaalmada uu siiyo xukuumadda Muqdisho "taas oo ay u adeegsata ujeedooyin gaar ah iyo kuwa siyaasadeed oo lagu khalkhalgelinayo Somaliland".

Qoraalka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka gooni-u-goosadka ah ayaa digniin loogu diray cid kasta oo qeyb ka noqota fulinta mashaariicda ka hor-imaanaya qadiyadda Somaliland.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli warar soo baxaya ay sheegayeen in degaanada laga fulin doono mashruuca ay ku jiraan qeybo kamid ah Somaliland si gaar ahn Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Goboladaas dhaca waqoyga Soomaaliya waxaa isku haya gacan ku hayntooda maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana dhowr jeer ku dhexmaray dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawaca Rayid.

QORAALKA SOMALILAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM