Somaliland: Kaararka codbixinta oo la iibsanayo [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xilli uu gabo-gabo marayo Oloalaha Doorashada Somaliland oo 6 maalmood ka harsan, ayaa waxaa billowday in suuq-madow loogu iibiyo kaararka codbixinta ee la siiyay shacabka.

Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle Taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland oo shir jaraa'ida ku qabtey Hargeysa, ayaa sheegay in arrintaani ay dhibaato xooggan ku keenayso amniga iyo deegaanshaha.

Booliska ayaa soo bandhigay Saddex eedeysane oo la sheegay in lagu soo qabtay kaarar ay dadka uga aruursanayeen qaab aan sharci aheyn, iyadoo dadka ugu bedelanayay Kaararka codbixinta raashiin.

Dadkaan la qabtay oo ka kooban 3 Haween ah oo uu wehliyo hal Nin ayaa dadka kaararka waxa ay uga bedelanayeen Raashin, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Illo-wareedyo ku sugan Hargeysa.

"Doorashada way dhawdahay waqt yar ayaana inoo harey, marka waxaa rabay inaan sheego bulshada in nabad-gelyada ay wax uu dhimaysoo kaararka muwaadiinta ku codeynayaan," ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Kaararkaan iyo Dadkii watay oo gaaraya 60 Kaar ayaa la qabtay iyadoo ay kamid yihiin Gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye laameedyo in kastoo Saraakiisha Booliiska Somaaliland ay ka gaabsadeen.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isasa soo tarayay eedaymo ay isk dhaafsanayeen Madaxda Xisbiyada Somaliland, oo isku eedeeyay qabiilka iyo arrimo kale.

Musharaxiinta kala ah Feysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Muuse Biixi ayaa u tartami doono xilka madaxweynaha Somaliland iyadoo doorashada ay ka duwan kuwii hore, maadaama la eedaynayo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM