​Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyo diray

Image

HARGEYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa guud ahaan umadda islaamka, gaar ahaan shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey ciidul-fidriga sanadka 1437-ka Hijriyada oo kamid ah ayaamaha aadka ugu weyn muslimiinta.

Madaxweynuhu waxa uu umadda u rajeeyey inuu ka aqbalo acmaashii khayriga ahayd ee ay soo qabanayeen muddadii lagu gudo jirey bisha barakaysan ee Ramadaanta, waxana uu ugu duceeyey inay noqdaan kuwa acmaashaas wanaagsan abaalmarinteeda hela.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay isa saamaxaan, isla markaana gacmaha is-qabsadaan si looga gudbo caqabadaha nolosha ku gedaaman, isagoo si gaar ah ugula dardaarmay inay nabadgelyada ilaashadaan.

Waxa uu markale baaq u diray beelaha ay dirirtu ku dhexmarayso deegaanka Dhakeyn-geenyo ee gobolka Sool, waxana uu u soo jeediyey inay joojiyaan dilka iyo dhibaatada dhexdooda ah, isagoo hambalyeeyey cidkasta oo joojinta colaadaas u guntatay.

Ugu dambayntii madaxweyne Siilaanyo guurtida, waxgaradaka iyo odayaasha gacanta ku haya dhibaatada ka taagan deegaanka Dharkeyn geenyo u rajeeyey inay ka midho dhaliyaan hawsha islaaxa ah ee ay u guntadeen, isagoo eebena uga bareyey inuu wanaagaas ay walalahood ka dhex wadaan uu ka abaaliyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM