X
FAHFAAHIN:

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaarey 8 kadib markii qof degan Muqdisho uu soo ritay cudurka. Riix Halkan

​Somaliland: Mas'uul katirsan UCID oo la xiray

Somaliland

HARGEYSA,Somaliland- Ciidamada ammaanka, ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyihii gobolka Saaxil u qaabilsanaa xisbiga UCID Marwo Rooda Axmed­ Yaasiin iyo laba xubnood oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey xoghayaha warfaafinta ee xisbgaasi.

Marwo Rooda, ayaa safar ku ahayd caasimadda Hargeysa, iyadoo kasoo socdaashay magaalada Berbera, waxaase la ogayn halka lagu xiray sida uu xaqiijiyay xoghaye Yuusuf Keyse.

Marwo Rooda ayaa hormood u ahayd olole dad badan oo reer Berbera ahi kaga soo horjeedaan wareejinta dekedda Berbera ee shirkadda DPWorld, iyadoo warbaahinta si joogto ah u marinaysay dhaleecayn ku aadan xukuumadda Somaliland.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo ku aadan xarigga mas'uulkaasi oo kuu biirtay dad horay loogu xiray arrinta la xiriirta dekedda Berbera.

GAROWEONLINE

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey