Somaliland: Muuse Biixi oo Golihiisa Wasiirada Isku Shaandheyn doona [Sababta]

Image

HARGEYSA- Madaxwehnaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa la filayaa in dhowaan isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa Wasiirada iyadoo talabadaan saameyn ku yeelan doonto xubno xilal sare ka haya xukumadiisa.

Warar hordhac ah oo laga heley isbadalkaan la filayo ayaa sheegaya in xukuumada cusub soo gali doonaan xubno ka tirsan xisbiga  mucaaradka ee Wadani iyadoo la filayo in la siiyo Wasaarada arimaha gudaha.

Wasiirkii hore ee howlaha guud Candirizaq Khaliif oo kasoo jeeda gobolka Sool ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiirka arimaha gudaha.

Wasaaradaha la filayo in isbadalkaan sameyn ku yeesho ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Wasaarada arimaha dibada, Gaashaandhiga, caafimaadka, Warfaafinta iyo maaliyada.

Maxamad Kahin Axmad oo iminka ah Wasiirka arimaha gudaha ayaa la saadaalinaya in Madaxweyne Biixi u magacaabi doono Wasiirka Madaxtooyada. Xilka Wasiirka Madaxtoyada ayaa markii hore banaanaa iyadoo Madaxweyne Biixi dib u dhigtey xiligii golihiisa xukumada cusub uu magacaabayey.

Kaahin oo kasoo jeeda beesha Habarjeclo islamarkaana gudoomiye ku xigeen ka ah xisbiga Kulmiye ayaa ku guuldareystey inuu wax ka qabto colaada Ceel-afweyn ee u dhexeysa beelaha Habarjeclo iyo Habar Yoonis.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa xukuumadihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxaa xilal uga qaban jirey siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Habar Jeclo.

Wasiirka Gaashaandhiga hadda xilka haya oo kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa wararku sheegayaan in loo wareejin doono Wasaarada caafimaadka halka la filayo in Wasaarada maaliyada dib loogu soo celiyo Cabdicasiis Maxamad Samaale. 

Xogtaan horfhaca ah ayaa xuseysa in isku-shaandheynta cusub lagu qancin doono cabashooyin kasoo yeeraya beelaha qaarkood kuwasoo horey Saluug ugu muujiyey isku dheeli tirka xukuumadii Madaxweyne Muuse Biixi soo magacaabey markii xilka loo doortey.

Dhinaca kale sababta ugu weyn ee isku shaandheyntan sababtey warar sheegaya sidii looga hortagi lahaa kulan Ceel-afweyn uga fumi doono Beelaha Garxejis oo ay hor-kaceyso beesha Habar Yoonis.

Kulankaan ayaa maamulka Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu u arkaa mid lid ku ah go’aanka goosashada ee Somaliland.

Muse Biixi ayaa golihiisa xukumada ee hadda xilka haya lagu eedeeyaa khibrad la’aan iyo iney ku jiraan xubno aan saameyn siyasadeed ku laheyn qabaa’ilka isugi tagey dhismaha maamulkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM