Somaliland: Muuse Biixi oo la kulmay wafdi DP World [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta oo Talaado ah wafdi ka socday Shirkadda DP World, ee laga leeyahay Imaaraadka.

Muuse Biixi iyo Wafdi DP World oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha Shirkadda, Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem ayaa kawada hadlay Mashaariicda horumarineed ee DP World ay kawado Somaliland.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxda Shirkadda DP World ay Madaxweynaha u sharxeen qaabka balaarinta dekeda Berbera oo ay khariirad ahaan ugu muujiyeen.

Waxaa sidoo kale kulanka lagaga wada hadlay dhisamah Suuqa xorta ah (Free Zone) iyo sidii Dhalinyarada Somaliland loogu furi lahaa Suuqa Ganacsiga ee Imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fariin baaq ah u diray dowladda Imaaraadka Carabtu oo ah inay gacan ka geystaan wax ka qabashada Xaalada abaarta ee kusoo noq-noqotay deegaanada maamulka Somaliland.

Kulanka waxaa ku wehelinaayey Muuse Biixi Wasiirada wasaaraddaha, Arrimaha Dibada, horumarinta Maaliyadda, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Kani ayaa noqonaya Kulankii ugu horeeyay oo Muuse Biixi la qaato Madax ka socoto DP World tan iyo doorashadiisii xilka Madaxweynaha bishii November, 2017-kii, waxaana wararka ay sheegayaan in la iskula soo qaaday qodobo maamulka cusub ee Somaliland ka qabo heshiiskii hore ee lala galay Shirkada.

DP World ayaa horey heshiis ula gashay maamulkii hore ee Madaxweyne Siilaanyo kaasi oo qodobadiisa kamid ahaayeen maalgelinta iyo maamulka Dekedda, dhisamaha Wado isku xiraysa Berbera iyo Wajaale.

Shirkad kale oo DP World ay maamusho oo lagu magacaabo P&O ports ayaa Heshiis noocan oo kale horey ula gashay dowladda Puntland, kaasi oo ay ku ballaarinayso, islamarkaana ku maamulayso Dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM