Somaliland: Muuse Biixi oo magacaabay Wakiilo cusub [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa maanta oo Isniin ah waxa uu ku magacaabay Wakiilo cusub oo ufadhin doono dalal kala duwan.

Wareegtadda oo uu ku saxiixnaa Muuse Biixi ayaa waxaa masuuliyiinta cusub ee lagu magacaabay waxaa kasoo dhex-muuqday siyaasiyiin caan ah, kuwaas xilal kasoo qaybtay maamulka Hargeysa.

Wakiiladda uu magacaabay Muuse Biixi ayaa waxay maamulka Somaliland ufadhi doonan saddex kamid ah dalalka Kenya, Mareykanka iyo Imaaraadka, halka midka kale uu yahay Wakiilka ururka EAC.

Sidoo kale, digreetadda uu Muuse Biixi soo saarey waxaa masuul cusub loogu magacaabay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee maamulka Somaliland, kaaso dhowaan xukuumadu la wareegtay.

Hoos ka akhriso masuuliyiinta xilalka loo magacaabay:-

1. Baashe Cawil Cumar, ayaa loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.

2. Xasan Hirad Yaasiin, ayaa laga dhigay Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

3. Bashiir Sheekh Cumar Good, ayaa loo xushay Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.

4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), ayuu Muuse Biixi udoortey Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .

5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Magacaabistaan uu sameeyay Muuse Biixi, kuwaasoo uu wakiilo ugu magacaabay dalalka aan soo xusnay ayaa kusoo beegmaysa xili siyaasadda arrimaha dibadda ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE si wayn loo dhaliilay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM