Somaliland oo amartay in la joojiyo salaadaha Taraawiixda iyo Taajudka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Diinta iyo arrimaha Awqaafta ee maamulka Somaliland ayaa waxay ku amartay dhamaan maamuleyaasha Masaajidda degaanada in ay hakiyaan salaadaha Taraawiixda iyo Taajudka.

Khaliil Cabdullaahi Axmed, wasiirka wasaaradaas, ayaa ka dhawaajiyey in amarkaas uu dhaqan-galayo 20-ka bisha barakeysan ee Ramadaan oo taariikhda miilaadiga ay ku beegan tahay 12-ka bishan May.

Wasiirka oo sidoo kale soo jeediyey in la joojiyo ictikaafka Masaajida ayaa xaqiijiyey in go'aankan uu la xiriiro ka hortagga Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay magaalooyinka waaweyn ee maamulka.

"Wasaaraddu waxay amar ku bixineysaa in laga bilaabo 20-ka bisha Ramadan [12-ka May, 2020] la joojiyo dhamaan Salaadaha Taraawiixda, Taajudka – ama Salaatu Laylka – iyo ictikaafka Masaajidada, arrintaasoo loola jeedo, maadaama ay tahay Salaad sunna ah oo waajibkii aaney ahayn, in laga taxadiro isu imaatinka keeni kara in xanuunka [Covid-19] uu si adag u faafo," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa.

Imaamada Masaajidda ayuu si lamid ah ku tartarsiiyey in ay dadweynaha u sheegaan in ay kala durgaan marka ay salaadaha kala ee waajibka ah ay oogayaan. Ugu yaraan hal mitir ayuu soo jeediyey wasiirku.

"Sidoo kelana afka lagu xiro af-saarka ama mask-face afka laqaad loo yaqaano," ayuu raaciyey, isagoo rajeeyay in loo hogaan-samo. "Wixii intaas ka dambeeya, wasaaradda ayaana soo sheegi doonta, Insha Allah".

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa horey ugu guuldareystay in ay dhaqan-geliso amar ku aadanaa in la xiro Masaajidada kadib markii culimadda ay ku doodeen in ay wali furan yihiin hoteelada oo kamid ah meelaha lagu kulmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM