Somaliland oo beenisay in Muuse Biixi iyo Deni ay ku kulmeen Imaaraadka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Axad ah dib ugu laabtay magaaladda Hargeysa kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tegay wadanka Imaaraadka Carabta.

Yaasiin Maxamuud Xiir [Faratoon], wasiirka arrimaha dibada Somaliland, oo war-fidiyeenka uga war-bixiyay socdaalkii Biixi ayaa sheegay in uu ku qotomay iskaashi ay labada dhinac ka yeeshaan arrimo kala duwan.

Faratoon ayaa shaaca ka qaaday in mas'uuliyiinta Imaaraadka ay iskula soo afgarteen in ay iska kaashaadaan dhinacyadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada, horumarinta dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa intaasi raaciyay in la sameyn doono hay’ad ka shaqeysa dhoofinta xoolaha Somaliland, taasi oo aas-aaskeeda ay si wadajir ah uga wadashaqeyn doonaan labada dhinac.

Xoolaha Somaliland ayaa nan haatan suuq ka haysan qaar kamida wadamada gobolka xili Imaaraadka uu yahay midka ugu balaaran wallow sanadihii u dambeeyay ay gaabis ku timid.

Mar uu ka hadlayay garoonka diyaaradaha Berbera, Faratoon ayaa daboolka ka qaaday in la isla-qaatay inay noqoto mid ay wada adeegsan karaan shacabka iyo ciidanka Imaaraadka iyadoo taasi ku jirin heshiiskiisa.

Mar wax laga waydiiyay sababta keentay arrinkaan ayuusan ka bixin jawaab waafi ah. Hasayeeshee, waxay kusoo aadeysa iyadda oo culeys dhinacaasi ku aadan ay uga imaanayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu dambeyntii, wasiir Faratoon ayaa si cad u beeniyay wararka ku aadan in Muuse Biixi iyo madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ay ku kulmeen wadanka Imaaraadka.

"Markii aan Imaaraadka tageynay isaga wuxuu joogay Dubai … inaga Abu Dhabi … Markii aanu tegnay Dubai … isaga wuxuu ka degayba Nairobi … marka maba is arkin," ayuu ku war-celiyay markii arrimahaasi wax laga waydiiyay.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa kusoo aadaya iyada oo hadalhaynta arrinkaan ay jirtay maadaama Muuse Biixi uu gaarey Imaaraadka xili uu ku sugan yahay Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM