​Somaliland oo beenisay in wada-hadallo ka furmeen Turkiga

Image

HARGAYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa beenisay warar warbaahinta gudaha qoraysay maalmahan, kuwaasi oo sheegayay in si hoose u bilowday wada-hadalladii ay Turkiga kula lahayd dawladda federal-ka Somalia.

Shir jaaraa’id oo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna ku-simaha wasiirka Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-keyse) ku qabtay magalada Hargaysa, ayuu ku caddeeyey inaysan arrintaasi jirin.

Wasiir Keyse, ayaa tilmaamay hadii arrintaasi jiri lahayd in lala socod siin lahaa axsaabta mucaaradka iyo hay'adaha dowladda, balse wuxuu sharaxay kulamo dhexmaray wasiirro katirsan Somaliland iyo Federalka kulamo ku dhexmaray Turkiga.

“Kulan degdeg ah iyo arrimo bani’aadamnimo ayey ahayd maadaama ay abaaro ina haysteen  in kaalmooyinka turkigu dawladda Somalia siiyaan inay innagana qaybteena ina siiyaan, ta labaadna waxa ay ahayd inay kala xaajoodaan wafti Somalia ka socda iyo safiirka turkigu inay wax ka weydiiso dawladda turkigu sidii wada-haddalladii fashilmay toddobada jeer dib loogu bilaabi lahaa.”ayuu yidhi wasiir Keyse.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii xubno katirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxtooyada Somaliland safarro aan horay loo sii shaacin ku tageen waddanka Turkiga, waxaana taasi ka dhashay shaki ku aadan wada-haddaladii labada dhinac inay qaab qarsoodi ah ku bilowdeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM