Somaliland oo dacwad ka dhan ah Guulwade u gudbineysa Canada

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa ka fekereysa in dacwad ka dhan ah Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo ku magac dheer "Guulwade" ay u gudbiso Maxkamadaha dalka Canada.

Yurub Abiib Cabdi, wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga maamulka Hargeysa, ayaa sheegtay in ay cuskan doonan "qirashadii uu ka sameeyay Muqdisho".

Guulwade oo wareysi bixiyey ayaa ku adkeystay "in uu sax ahaa" duulaanka dowladdii Siyaad Barre ku qaadey gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Hadalkaas ayuu ka dhawaajiyey "tobban maalmood kadib markii uu iska casilay xubinimada Guddiga wada-xaajoodyadda iyo dib-u-heshiisiinta ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland".

Marwo Yurub, oo u warantay talafishinka CBA, ayaa qurba-joogta ku boorisay in ay kaalin ka qaataan ololaha ay bilaabayaan.

"Dadka Somaliland oo dadkoodu xasuuqa ku dhacay way dabagaleen dadkii ka dambeeyay sidda ninkii la oranayey Cali Samatar, hadana waxaan ugu baaqeynaa in ay dacweeyaan Guulwade," ayay tiri.

Sidda ay wararku sheegayaan, Guulwade ayaa haysta Baasaboorka dalka Canada, halkaasna uu in muddo ah uu ku noolaa.

"Xukuumad ahaan, Guulwade waanu dabageli doonaa, meel uu ku badbaadayo ma jirto, asagaa isku caddeeyay dadkii la laayey xasuuqaasna uu sax ahaa, ninkii Soomaali ugu caqli xumaana weye".

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta in ay ka madax banaan yihiin Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991-dii, balse wali aqoonsi caalami kama helin aduunyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM