Somaliland oo difaacdey go'aanka ay ku hakisay wadashaqeynta UN-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ma ogolaaneyso in hay'addaha Qaramada Midoobay ay degaanadeeda ka fuliyaan go'aano laga soo yeeriyey Madaxtooyada Soomaaliya, sidda uu shaaca ka dhigay hogaamiye Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo Arbacada maanta ah kaga qeybgalay Hargeysa shir uu qabsaday xisbul-xaakimka Kulmiye ee gudoomiyaha uu ka yahay ayaa difaacay go'aanka ay todobaadkan ku hakiyeen wadashaqeynta Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Hargeysa ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku sheegtay in joojinta ay tahay illaa iyo amar dambe.

Talaabadan ayaa timid markii ay heshiis ka careysiiyey Somaliland ay kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa kaasoo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga, dhaqaale iyo bini'aadanimada.

Mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa laga soo xigtay in heshiiskaas uu yahay “mid lagu hoos-geynayo xukuumadda Muqdisho" oo ay sheegtaan in ay ka madax-banaan yihiin tan iyo 1991 wallow aan caalamka laga aqoonsan.

Inkasta oo uu carabkiisa ka dhowray weerar toos ah oo Qaramada Midoobay ku ekeeyo, Biixi ayaa caddeeyay in ay rabaan in si gooni ah loola macaamilo.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa oo ay kamid yihiin hay’ado badan oo isku magacaabo samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga ururusada waxanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA, ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso, wakiilka qaramada qaramada midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawladd kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo qarannimadayada, waxannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna," ayuu ka yiri munaasabadda oo madax kale ay joogeen.

Muuse oo doorasho ay kusoo fool leedahay ayaa intaas ku daray: "Ka yeelimaynno Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta, inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar ay nagula dhaqmaan oo ay Somaliland keenaan, waana xaaraan".

Dowladda Soomaaliya ee waqtiga kasii dhacayo ayaa wajahaysa eedeymo ay kamid yihiin in ay siyaadeyso arrimaha socdaalka, bini'aadanimada iyo go'aanada masiiriga ah si maamulada ay uga faa'iideysato danaha ay ka leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM