Somaliland oo diidey go'aamadii kasoo baxey shirka Muqdishu

Image

HARGEYSA-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirkii magaalada Muqdisho dhawaan ugu soo dhamaadey dawladda Somalia iyo maamulada qaybta ka ah Federaalka , waxana ay gebi ahaanba deedafaysay inay qayb ka tahay shirkaas iyo qoddobada kasoo baxayba. 

Wasiirka warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ( Caddaani) oo saxaafada kula hadlay xafiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Somaliland qayb ka noqon karin shirkaas, waxana uu meesha ka saaray inay Somaliland tahay qayb kamid ah Somalia. 

Qoddobo afar ah oo ay Somaliland kaga jawaabtay natiijadii kasoo baxdey shirkii maamulada qaybta ka ah Federaalka iyo dowlada Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa u dhignaa sidatan: 

1- In aysan jirin wax la yiraahdo midnimada Somalia oo Somaliland qayb ka tahay.

2- Waxaan caddaynaynaa in Somalia jabisay heshiiskii  goob joogga ka ahaayeen beesha caalamku ee dhigayey in loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia.

 3. Jamhuuriyadda Somaliland marnaba kama mid noqon shirarka wada-tashi ee Somalia ee kan haatan Muqdisho ka socday ugu dambeeyey, mana jirto cid magaca Jahmuuriyadda Somaliland ku meteli kartaa shirkaasi, haddii ay madax-dhaqameed yihiin iyo haddii ay Siyaasiyiin yihiinba. 

4.Aayo ka-talinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mas'uul  ah oo u xilsaaran dowlada Somaliland, taas oo hore u caddaysay mawqifka madax-bannaanida iyo jiritaanka qaranimada Somaliland laguna ansixiyey afti dadweyne. 

Jawaabta Somaliland ka bixisay shirka Muqdisho ayaa timid kadib markii qoddobo dhawr ah oo dhawaan Magaalada Muqdisho kasoo saareen Dawladda Somalia  iyo maamulada xubnaha ka ah Federaalka kaas oo ay goob ahaayeen beesha caalamka.\

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM