Somaliland oo dil toogasho ku fulisay "shaqsiyaad lagu helay Shabaabnimo"

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu dil toogasho ku fuliyey lix ruux oo "lagu helay" fal-dambiyeedyo kala duwan.

Iyaddoo dhacdooyinkan oo kale ay naadir ka tahay degaanada maamulkan, fulinta xukunkan ayaa aroornimadii maanta ka dhacday xabsiga Mandheera, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Qoraal kasoo baxay xeer-ilaalinta oo sharaxaad looga bixiyey qisaasta shaqsiyaadkan ayaa lagu sheegay in "gacan ku dhiigleyaasha ay mareen nidaamka cadaaladda".

Qoraalka Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland wuxuu u qoran sidan:

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaasoo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaasoo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Gacan kudhiigleKhadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaasoo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad.

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina Khadiija Khaliil, kaasoo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaasoo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.


Dhinaca kale, warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in laba kamid ah xubnaha lagu fuliyey xukunka dilka toogashada ah loo haystay eedeymo ku saabsan Al-Shabaabnimo.

Tani ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo degaanada Somaliland xukun dil toogasho ah lagu fuliyo dad lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM