Somaliland oo go'aan kasoo saareysa deyn dhaafka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xukuumadda taladda haysa ee Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda maamulka Hargeysa oo ka hadlay dood lagu qabtay Jaamacadda magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa ayaa sheegay in ay geedi-u-socodka isha ku hayaan.

"Dayn cafintu laba marxaladood ayuu ka kooban yahay, bar kulanka go’aan qaadashada, midna waa bar kulanka fulinta ama dhamaystirka, labadaas wali midna maynaan gaarin," ayuu Sacad Cali Shire yiri.

Dhinaciisa, Saleebaan Cali Koore, wasiirka warfaafinta Somaliland, ayaa tilmaamay in maalmaha soo aadan ay soo bandhigayaan mowqifkooda rasmiga ah ee ku wajahan qaan-dhaafka Soomaaliya.

"Xukuumad ahaan dood badan ayaanu maalmihii ugu danbaysay kaga jirnay, dawladdu qaraar ayay ka soo saari doontaa, maadaama oo aan afkii xukuumada ku hadlayo," ayuu isla madasha ka sheegay.

Ugu dambeyntii, maamulka Hargeysa ayaa waydiistay deeq-bixiyeyaasha in laga qeybgeliyo geedi-u-socodka barnaamijka deyn cafinta.

"Beesha caalamka waxaanu leenahay hadii mid la dhaafayo ay tahay iyo hadii ay tahay mid wadada loogu xaarayo, inay Somaliland goob jooge ka noqoto," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa 4.6 bilyan oo Doolar, taasoo hal bilyan oo kamid ah uu leeyahay Mareykanka.

Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa bartamihii bishaan December, 2019, meelmarisay qorshe lagu maalgelinayo deyn cafinta oo go'aanka ugu dambeeya uu soo bixi doono bisha February ee sanadka dambe 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM