​Somaliland oo gobolka Sool ka joojinaysa Lacagta Sh. Somali-ga

Image

LAASCAANO, Somalia- Shir ay yeesheen maamulka gobolka Sool,kan degmada Laascaanood iyo qaar ka mid ah ganacsatada ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahayd sidii dhawaan gobolka Sool loo joojin lahaa Lacagta Shilling Somali-ga.

Kulankaan oo Khamiistii 13 July, 2017 lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ee Laascaanood Saxaafadduna ay banaanka ka  joogtay ayaa markuu soo dhamaaday waxaa Saxaafadda uga warbxiyey qodobada looga hadlay godoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Cabdi Khayre Dirir.

“Ganacstada gobolka Sool qaybo ka mid ah ayaan la kulanay waxaana kala hadalnay inay ka qayb qataan qaraan bixinta taakulaynta dadkii abaaruhu saameyeen,ka qayb qaadashada hawlaha amniga,dardar gelinta canshuuraha sicir bararka iyo in qorshe laga yeesho mustaqbalka dhaw gobolka lagaga joojinayo Lacagta Sh.Somaliga,” Ayuu yiri Cabdi Khayre.

Gudoomiyaha oo sii hadlaya ayaa yiri, "Qorshahan ayaa noqon doonta in gobolka laga bedelo lacagta ay leedahay koonfurta Somalia looguna isla markaana lagu bedeli doono Lacagaha Somaliland.”

Gobolka Sool oo intiisa badan uu gacanta ku hayo maamulka Somaliland ayaa laga adeegsada Lacagta Shilling Somaliga inkastoo horey ugu guuldaraysteen qorshahan mid la mid ah.

Maamulkan sheegta Jamhuuriyad Madax bannaan ayaa leh lacag gooni ah, taasoo ka shaqaysa gobollada Somaliland, marka laga yimaado gobollada lagu muransanyahay ee Sool, Sanag iyo Cayn qaybtood.

Dhinaca kale Lacagta Shilling Somaliga oo hadda la adeegsada Kun-ka kaliya ayaa dhawaan laga diiday qaybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Somalia gaar ahaan deegaanada ay maamusho Al Shabaab  taasoo keentay sicir barar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM