Somaliland oo gurmadkii ugu horeeyay u dirtay Beledwayne

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa Muqdisho u dirtay wafuud sidda gargaar loogu talagalay dhibaneyaasha daadadkii ku rogmaday Beledwayne.

Guddiga oo wadda aduun lacageed dhan lix boqol oo kun oo Doolar ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin kala duwan.

Bishii November 6-deeda, 2019, ayay ahayd markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka qeyb-qaadaneyso taakuleynta Beledwayne.

Magaala madaxda gobolka Hiiraan ayaa waxaa harqiyey daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo bishii October ka da'ay bariga Afrika.

Sidda ay sheegeen Dowladda Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, daadadka ayaa barakiciyey in ka badan 270,000 oo ruux.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa fatahaadaas ku tilmaamtay "midii ugu xumeyd" ee soo martay taariikhda magaaladda Beledwayne.

Tobanaan ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen daadadka oo sidoo kale geystay khasaaro maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM