Somaliland oo Jawaab ka bixisay eedaynta Puntland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Kadib markii dowlada Puntland ay ku eedaysay maamulka Hargeysa inay soo abaabushay weerarkii deegaanka Billa-khadar ee gobolka Bari, ayaa waxaa arinkaasi ka jawaab ka bixisay Somaliland.

Dagaalka Balli-khadar ayaa waxaa ku dhintay inta u dhaxaysa 5 illaa 7 kamid ah ciidamada Badda ee Puntland [PMPF], iyadoo looga gubay Puntland afar Gadiid oo kuwa dagaal ah, sida ay sheegtay Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland ay eedeysao maamulkiisa inuu ka dambeeyo weerarkii Balli-Khadar, waxaana uu ku tilmaamay warka kaaasi mid been ah.

Maxamed ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uusan waxba ka ogayn dagaalka Billa-khadar, kaasi oo mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al Shabaab, ee ka dagaalanta Galgala.

"Runtii waa wax laga xumaado in Puntland ku eedayso Somaliland inay garab siiso kooxaha argigixisada, mana ahan wax cusub oo marar badan ayey eedeyntan usoo jeedisay," ayuu Kaahin ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da.

Waxaa jira warar leysla dhex-marayo, oo sheegaya in Buuraha Gobolka Sanaag ay soo maraan Shabaab, islamarkaana dhanka Puntland gaara ahaan Galgala usoo gudbaan, laakiin Wasiir Kaahin ayaa mar kale gaashaanka ku dhuftay warkaasi.

"Eedaas waxba kama jiraan, ciidamo baan leenahay kuwaasoo diyaar u nahay inay daafacaan dhulkooda. Waxba kama jiraan warkaas, waxaana sheegaynaa in aysan waxba ka jirin," ayuu ku adkeystay Wasiirka.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay sida uu xalka u arko maadaama dagaal iyo is-eedayn uusan noqonayn xal, ayuu ku jawaabey in maamulkiisa uu mar walba diyaar u yahay inay nabadda ka shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM