Somaliland oo ka digtay "cunaqabateyn" ay kala kulmeyso DF

Image

HARGEYSA, Somaliland – Iyadda oo dharbaaxo kulul ay wajaheyso rajada laga qabo in ay mar kale kulmaan mas'uuliyiinta dowlada federaalka iyo Somaliland ayaa waxa soo ifbaxeysa xasarad god dheer kusii rideysay rajadaasi.

Dhibaatadaasi oo ay taraq ku daartey dowladda Guinea ayaa ka dambeysay markii wadankaasi Galbeed Afrika dhaca uu qaabilay wafdi uu horkacayo hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah ee fadhigiisu yahay Hargeysa.

Xukuumada Muqdisho ayaa xiriirka u gosay dhigeeda Conakry oo ay ku eedeysay in uu meel kaga dhacay madax banaanida, wadajirka iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed xili ay digtey dowladaha kale.

Somaliland oo ku doodeysay waxa tukaha cambaarta leh ka dhigay Guinea ayaa eedeymo culus ku rusheysay dowlada federaalka ah oo ku adkeysatay in maamulkaasi uu kamid yahay gobolada Soomaaliya.

Madaxda maamulka gooni u goosadka ah ayaa soo dhoweyn lamid ah tii Guinea kala kulmay waddamo badan sida Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka, dowlada waxayse ku doodey in dalalkaasi cilaaqaadkood uu sareeyo.

Saleebaan Yusuf Cali Koor, wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland, ayaa ku tilmaamay go’aanka xiriirka loogu jaray Guinea "cunaqabateyn" maamulkiisa laga saarayo wadamada kale ee caalamka.

Balse Mr Koor oo kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow Muuse Biixi Cabdi ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan xusul-duubka ay ugu jiraan in ay aqoonsi helaan wallow ay ku hungoobeen in ka badan 30-sano.

"Dowladda Soomaaliya waxay noo abuureysaa colaad lamid ah tan keentay in Ummadda Soomaaliyeed kala tagto oo mudda badan sii jireysa. Xiriirka ay jareen Guinea ma oranayo maxaad u jarteen, balse waxaan dhigi karaa waa cunaqabateyn Somaliland la saarayo oo caalamka oo dhan looga soo xirayo. Balse waanu wadeynaa, illaa iyo ay wadamada kale ee caalamka xiriirka u gooyaan, taasi oo fursad inoo ah," ayuu ku daray.

Wasiir Saleebaan oo sii hadlaya oo sharaxaya cunaqabateynta ayaa raaciyey "Waad la socotaa maamulka hawadii muran baa ka taagan, deeqihii caalamka iyo dhoofinta xoolihii, meel kasta oo aan tagno warqad baa nagala dabadirayaa, waan nooc cusub oo cadaawad ah oo maamulka Farmaajo u bilaabayo Somaliland, taasina ma dooneyno hadiise nagula qasbo gacmaha kama laabateyno, wax kasta oo aan isku difaaci karno ayaan qaadeynaa".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay dowlada si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada. Sidoo kale, Sacuudiga ayaa Somaliland shuruud uga dhigay in uu xoolo ka dhoofsado rukhsad uu Muqdisho kasoo qaato.

Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-dii waxay sheegaa gooni u goosad balse caalamka intiisa kale waxa uu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM