Somaliland oo ka hadashay dagaalka Dharkayn-geenyo

Image

HARGEYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay beelo dagaallo ku dhex mareen deegaanka Dharkeyn geenyo ee gobolka Sool, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac badani ka dhasheen.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in dad ku dhow labaatan qof ay ku dhinteen dagaalkaasi labada beelood.

Caddaani, ayaa xusay inay u direen ciidan kala dhex gala labada beelood, iyadoo ay gaareen jiidaasi madax dhaqameed fara badan oo ka kala yimid deegaano kala duwan

Wasiirka Caddaani, ayaa sidoo kale warbaahinta u soo gudbiyay qoraal ay soo saartay xukuumadda Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidatan:

Baaqa nabadeed ee Wasiirka ayaa u dhignaa sidan

Mudanayaal iyo  Marwooyin;

Waxaan jeclahay in aan halkan idiinku soo Gudbiyo xog ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacaysay Degmada Dharkayn-Geeye ee Koonfurta Gobolka Sool, Taasoo Khasaare aan la filayn ka dhex dhashay labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland , kuwaas oo si kediso ah xabaddu uga dhex bilaabantay iyagoo wada fadhiya, ka dib markii ay isku afgaran waayeen xaajooyin ay ka wada hadlayeen.

Ugu Horrayn aniga oo ku hadlaya afka Dawladda Somaliland Waxaanu tacsi u diraynaa ehelada dadkii halkaa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba iyada oo tirada dadka ku dhintay ay labaatameeyo gaadhayso, tiro kale oo intaa ka badanina ay ku dhaawacantay Dawladda Somaliland waxay qaadday talaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay kaga hawlgeli lahayd mashaqadaas .

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday.

Sidoo kale Xukuumadu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka dadweynaha ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in falal dhibaatadaa la xidhiidhaa ka dhacaan, maadaama labada ardaa wada degan yihiin Magaalo madaxda Gobolka ee laascaanood.

Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala tegay Gobolada Somalialnd oo dhan iyo caasimada Hargeysa oo ay hogaaminayaan wasiiro, Madax-dhaqameed, xubno ka kooban labada golle Guurtida iyo Wakiilada, kuwaas oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday.

Intaa ka dib Xukuumada Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan xabadda, una dhego nuglaadaan Ciidamada Qaranka ee Nabadda ka shaqaynaya iyo Ergooyinka nabadeed ee madax dhaqameedku horkacayo ee u gurmaday.

Haba yaraatee Xukuumada Somaliland waxba kala hadhi mayso sidii dhibaatadaa loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba.

Mahadsanidin

Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) Afhayeenka Xukuumada Somaliland, ahna Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli maalintii saddexaad dagaal kasocdo deegaanka Dharkayn geenyo oo katirsan gobolka Sool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM