Somaliland oo ka hadashay Ruqsadda Kalluumeysi ee uu bixiyay Wasiir Bidhan

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulk Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ruqsadda Kalluumeysi oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya siisay Ururka Iskaashiga Kulluumeystadda ee wadanka Shiinaha, COFA.

Wasiirka Kalluumeysiga ee maamulka Hargeysa, Xasan Gafaadhi ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Muqdisho “dhagar loo maleegay” Somaliland, taasi oo uu carabka ku adkeeyay in aysan saameyn doonin.

Gafaandhi ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka inay bixisay ruqsadda, inkasta oo uu ku nuux-nuux saday inaanu marnaba degaanadda maamulkiisa uusan ka shaqayn doonin heshiiska ay gashay.

“Waxaa ayaan-daro ah in kheyraadka dadkooda ay ka baahan yihiin, si sharciyaysan loo boobayo..Halkii Kalluumeystada Soomaalida laga laga iibsan lahaa Kaluunka, ayaa la bixinayaa badaha, balse ma ahan mid halkaan ka shaqayn doontya,” ayuu u sheegay wariyaasha.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhan oo heshiiska qalinka ku jiiday, kaasi oo farxad ka muujiyay inuu saxiixo, ayaa dhinaca wuxuu ku guuldareystay inuu soo bandhigo macluumaad dheeri ah, sida mudada uu dhacayo qandaraaska.

Heshiiskan aya kusoo beegmaya xilli madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada uu khilaaf uu dhaxeeyo, islamarkaana aysan heshiis rasmi ah ka gaarin qeybsiga dhaqaalaha khayraadka badda. [Halkan ka akhri warka].

“Tani waxay kamid tahay dhagaraha loo maleegayo Somaliland, oo ay caadeystay xukuumada Muqdisho oo umuuqata mid uu waqtigeedu dhamaaday oo nin walba wixii uu hayay kusii faralaabayo,” ayuu raaciyay wasiirka.

Ugu dambeyntii, wasiirka Kalluumeysiga Somaliland ayaa uga digay Maraakiibta Shiinaha, gaar ahaan kuwa ay ruqsada siisay dowlada dhexe inay soo galaan ka biyaha maamulkaan gooni isku taaga ah, balse wali u halgamaya aqoonsi.

“Cidkasta oo biyo badeedka Somaliland soo gasha ama lagu qabto Kalluun ay ka guratay, waxaa la marin doonaa ciqaabta ku haboon,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Wasiirka Kalluumeysiga xukuumada Muuse Biixi Cabdi.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa badeeda oo aanan jirin cid xil iska saartay ilaalinteeda, ayaa noqotay midda ugu badan oo laga soo wariyo falalka kalluumeysiga sharcida darada, dunida oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM