Somaliland oo ka hadashay xariga mas'uul katirsan DFS

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa maalintii saddexaad ku xiran xabsi ku yaala magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, Xoghayaha Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiqani Yaasiin Maxamed, kaasoo gurigiisa lagala soo baxay Habeenkii Jimcaha ee todobaadkii hore

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in sababta ay u xireen Cabdiqani ay tahay inuu sifo aan sharciga waafaq-saneyn uu ku galay Somaliland.

Wuxuu carabka ku dhuftay inay maxkamad ay soo taagi doonaan maalmaha soo socda, inkastoo uusan shaaca ka qaaday waqtiga saxda ah oo ay cadaaladda horgayn doonaan Cabdiqani, kaasoo ah wiil dhalinyaro ah, islamarkaana degaan ahaan halkaasi kasoo jeeda Somaliland.

Diiriye ayaa wuxuu qiray in ciidamadda maamulka Somaliland ay jirdil iyo dhibaato kala duwan ugu geysteen Cabdiqani inta uu ku jiro xabsiga, wuxuuna diiday inuu ka dhawaajiyay waxay ka yeelayaan ciidamadda dhibaateeyay Xoghayaha Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya.

“Somaliland waa dal madax banaan, oo leh shuruuc iyo nidaam ma ahan meel markii la rabo laysla soo galayo, lagana baxayo. Balse, waxaan idin sheegaynaa in Xoghayaha Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uu xiran yahay islamarkaana maxkamad lasoo taagayo,” ayuu yiri Diiriye.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Cabdiqani lagala soo baxay guri ay ka degan qoyskiisa caasimada maamulka Somaliland, halkaasoo uu u tegay fasaxa iyo Qaraabo-salaan, intii lagu guda jira dabaal-dega Ciidul Adxaa oo todobaadkii hore ku beegneyd.

Inta badan, Somaliland ayaa falal isugu jira xarig iyo dhibaato u geysata siyaasiyiin xilal ka haya iyo kuwo horay uga soo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana intaas dheer inay dhibaato xoogan ay ku qabaan maamulka Muuse Biixi Suxufiyiinta iyo Sugaanlayda usoo safarta Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM