Somaliland oo ka jawaabtay warka ah "in Abiy uu albaabada kasoo xirtay"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud [Faratoon] ayaa wuxuu ka jawaabay warbixin lagu daabacay wargeyska The Reporter ee dalka Itoobiya.

Jaraa'idka oo soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi gaar ahaan Wasaaradda Faratoon ayaa wariyey in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu albaabadda kasoo xirtay maamulka Hargeysa.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale waxay daboolka ka qaadeen in maamulkooda gooni u goosadka ah uu walaac ka qabo "in uu xumaadey cilaaqaadka kala dhaxeeya Itoobiya".

Hase ahaatee, wasiir Faratoon oo qaybo kamid ah warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa wuxuu been abuur ku tilmaamay sheegashadaas.

Mr Faratoon ayaa ku adkeystay in xiriirka kala dhaxeeya Addis Ababa uu yahay mid hagaagsan aanu jirinna caqabad.

"Warkaas ma ahan mowqifka saxda ah ee dowladda Somaliland," ayuu u sheegay wariyeyaasha, Arbacadda maanta ah.

Waxyabaaha kale ee uu joornaalku soo xigtay waxaa kamid ah in Abiy uusan wali soo magacaabin Qunsulka Itoobiya ee Hargeysa.

Isaga oo arrintaas ka jawaabaya, Faratoon ayaa yiri: "Waxay noo sheegeen in ay kala xulayaan mas'uuliyiinta ku haboon xilkaas".

Dhinaca kale, Mr Faratoon ayaa meesha ka saarey in heshiiska saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uu saameyn ku yeelanayo maamulkooda. "Uma aragno in ay dhib nagu tahay".

"Kaligeena ma ahan dalal badan oo qaaradda ku yaala baa laga saarey," ayuu ku daray. "Hadii ay ku talogalaan in ay Somaliland ka saaraan qaaradda oo dhan, kama saari karaa," ayuu raaciyey.

Somaliland oo sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii balse caalamka u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiriir hoose la leh qaar kamid ah dalalka deriska.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid bishii April ee 2018-kii, Abiy oo isbedel weyn ka dhaliyey bariga Afrika ayaa aad ugu dhowaa dowladda Farmaajo oo xayiraad dhaqaale iyo mid siyaasadeed saartay Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM