Somaliland oo karan-tiishay dad horleh oo lagu tuhmay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Somaliland oo warbixin soo saarey ayaa xaqiijiyey in ay karan-tiil geliyeen 20 qof oo lagu tuhmay in uu soo ritay xanuunkaas.

Sidda ay muujineyso xogta, shaqsiyaadkaas ayaa la kulmay labadii ruux ee maamulku horey u shaaciyey in laga helay cudurkaas safmareenka ah.

Bukaanada midkood waa Shiinees, halka ruuxa kale uu yahay qof degaanka ah oo kasoo laabtay boqortooyadda Ingiriiska. Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayay waqti xaadirkaan ku kala sugan yihiin.

"Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo," ayuu yiri.

Hoos ka akhriso warbixinta guddiga oo dhameystiran

Guddida oo maanta shir jaraa'id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda:

Waxa dhawaan dalka iman doona oo la dalbay mishiinka lagu baadho Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR oo dadkii ka shaqayn lahaana lagu soo tabobaray dalka Kiiniya.

Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.

Waxa dhawaan baxaya 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaadhi, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, islamarkaana wacyigelin doona bulshada, waxana ay hawl-wadeennadani ka socdaan wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM