Somaliland oo ku dhawaaqdey kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu ku dhawaaqay 6 [lix] kiis cusub oo ah fayruska safmareenka ah ee Corona.

Saleebaan Cali Koore, wasiirka warfaafinta xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale tilmaamay in dheecaanada 13 qof oo lagu tuhmay caabuqa ay u direen waddanka Kenya.

Mr Koore ayaa intaas ku daray in wadarta kiisaska la xaqiijiyey ay gaareyso 11, marka lagu daro shantii hore looga soo wariyey magaalooyinka Hargeysa, Burca iyo Boorama.

Isagoo hadalkiisa sii wata, dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay qaataan isla markaana u hogaan-samaan dhamaan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo faafitaanka cudurka.

Intii uu socday shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, wuxuu qiray in ay sareyso suurtagalnimadda in kiisaska ay kordhaan maalmaha soo socda, maadaama dad horleh la karantiilay.

Somaliland ayaa soo rogtay talaabooyin ay kaga hortageyso Covid-19, wallow qaarkood ay caqabad kala kulmeyso dhaqan-gelintooda, waxaana kamid ah xiritaanka Masaajidda.

Guddiga ka hortagga caabuqa ee maamulka ayaa isla maanta shaaca ka dhigay in ay joojiyeen keenista iyo ka ganacsiga Qaadka muddo 25-casho ah oo ka bilaabaneysa Sabtida soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM