Somaliland oo ku dhawaaqdey kiisas horleh oo ah Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay saddex kiis cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha xanuunka ay haatan sii mareyso 43, kuwaas oo u badan bukaano lagu qaadsiiyey gudaha, wallow ay ku jiraan shaqsiyaad ajaaniib ah.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda taasoo nuqul kamid ah uu arkay GO, saddex bukaan ee soo kordhay waa muwaadiniin ku kala sugan gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Gobolka Maroodi-jeex waxaa ku sugan laba qof, halka Saalixna laga helay hal ruux. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shalay sheegay in cudurka uu si baaxad leh ugu faafay gobolada.

Dhanka kale, ma jirto wax dhimasho ah oo la diiwaan-geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, lama soo warin bukaano cusub oo ka caafimaadey caabuqan halista badan.

Tiradda dhimashadda ayaa wali ku taagan shan, halka dadka ka bogsaday ay tiradoodu dhan tahay shan. Mas'uuliyiinta caafimaadka waxay rajeynayaan in geerida aysan intaas ka badan.

Iyaddoo kororka maalinlaha ah uu wali sii socdo, shacabka Somaliland ayaa lagu dhaliilay in aysan dhab u qaadan jiritaanka fayruska, iyaddoo goobaha waxbarashada dib loo furay, wallow loo digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM