Somaliland oo ku hungowday talaabo ay ka fileysay Abiy Axmed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Isbedelka hogaanka Itoobiya ee uu bishii April 2018 ku yimid ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dooriyey siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan gobolka Geeska Afrika si gaar ah Soomaaliya.

Somaliland, oo sheegta madax banaani tan iyo 1991-dii, ayaa xiriir dhow la lahayd xukuumadda Addis Ababa kahor Abiy gaar ahaan iskaashiga dhanka ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo danaha ka dhaxeeya.

Taas bedelkeeda, markii uu Abiy xafiiska yimid waxaa hoos u dhac uu ku yimid cilaaqaadka, iyadda oo wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa uu xiriir wanaagsan la yeeshay dowladda Muqdisho.

Sidda lagu daabacay wargeyska The Reporter Ethiopia, Somaliland ayaa ku hungowday talaabo ay ka fileysay Abiy oo ahayd in uu sii wadi doono xiriirka wanaagsan iyo in uu qoondo u sameyn doono.

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa ayuu jaraa'idka kasoo xigtay in ay walaac ka qabaan arrintaas.

Si gaar ah waxay walwal ka qabaan in Abiy uusan wali soo magacaabin Qunsulka Itoobiya u fadhinaya magaaladda Hargeysa tan iyo markii uu muddo xileedka ka dhamaaday mas'uulkii hore.

Maamulkii Abiy ka horeeyay ayaa Somaliland ula macaamili jiray "waddan" ahaan iyaga oo eeganaya danahooda gobolka Geeska Afrika.

Somaliland ayaa sidoo kale walaac ka qabta fal-dambiyeedyadda kusoo badanaya sohdinta labadda dhinac oo ay ka leeyihiin iskaashi sidii loo wadda sugi lahaa ammaanka loogana hortagi lahaa amni daradda.

Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy oo horey u kulmay ayaa waxay ku guuldereysteen in ay is-afgarad ka gaaraan dhanka wada hadaladda dowladda Farmaajo oo xulufo muhiim ah u ah Dr Abiy Axmed.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey heshiiska saddex-goosaadka oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo ay ku xoojinayaan danahooda dhaqaale iyo mid amni.

Inkasta oo ay jiraan caqabadahan, mas'uuliyiinta Somaliland ayaa kalsooni ka muujiyey, sidda ku xusan warbixinta wargeyska, in uu dib u soo noolaan doono xiriirkii kala dhaxeeya Itoobiya oo galeysa siyaasad cusub.

"Si dhow ayaanu ula socon doonaa siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo ah dal xulafo oo muhiim noo ah," ayay daboolka ka qaadeen.

Gooni u goosadka Somaliland ayaa nan wali helin aqoonsi caalami ah, waxaana aduunyadda u aqoonsan tahay maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyo in ay maamulada xubinta "caburisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM