Somaliland oo loogu baaqey in xorayadeeda u soo celiso Niciimo Qorane

Image

HARGEYSA- Kadib markii ciidamada Somaliland xabsiga u taxaabeen dhowaan Niciimo Qorne oo kamid aheyd Suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxaya baaqyo maamulka Muuse Biixi looga codsanayo in gabadhaas xorayadeeda dib loogu soo celiyo.

Niciimo Qarane oo dhalasho ahaan kasoo jeeda maamulka Somaliland ayaa sida wararka sheegayaan magaalada Hargeysa u tagtey Aabaheed oo jiran.

Gabadhaan oo muddooyinka dambe  fadhigeedu ahaa magaalada Muqdisho ayaa kamid aheyd dadka diidaan goosashada maaamulka Somaliland raadinayo.

Ciidmaada sirdoonka Somaliland oo Nimco ka qabtey Garoonka diyaardaha magalaada Hargeysa iyadoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ayaa sida Aabaheed sheegey lagu eedeeyey iney aaminsan tahay Somaliweyn halka Facebook ay ku qortey ereyo lid ku ah maamulka gooni isu taaga ku dhawaaqey.

Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa xad-gudub dhinaca xuquuqul insaanka iyo sharciga Somalilandba ku tilmaamay xarigga Naciimo Axmed Ibraahim oo ku xiran Hargeysa maalintii toddobaad.

Xarunta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay  kaga dalbatay maamulka Soomaaliland inay shi shuruud la’aan ah u sii daayaan gabadhaasi ka tirsan hal-abuurka da’ada yar ee Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa xira dadka u dhashey degaanadaan oo diidan gooni isu-taagooda iyagoo horey u xirey shaqsiyaad isugu jira samafalayaal, fanaaniin, siyaasiyiin iyo sugaaley kale.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo ka tirsanaan jirey ururkii SNM inta uusan noqon siyaasi ayaa waxaa aad u adag fikirkiisa ku aadan gooni isu-taaga mamaulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM