Somaliland oo maxkamad u gudbineysa dooda gooni-u-goosadka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland marnaba miiska wadahadaladda lama fariisaneyso madaxda dowladda Soomaaliya illaa ay "ka ictiraafaan" madax-banaanideeda, sidda laga soo xigtay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo ka hadlay munaasabada xuska 18-ka May oo lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in shuruudooda ugu horeysay ee dib u furida wada-xaajoodyadda ay tahay dhaqan-gelinta ama fulinta qodobadaas.

Dalalka doonaya in ay labada dhinac u kala dabqaadaan ayuu dhankooda ku wargeliyey in ay ka doonayaan in ay meesha ka saaraan "Soomaaliya baa dagaal ka dhex jiraan" kana rabaan in ay u arkaan "labada dal oo walaalo ah"

"Soomaaliya iyo Somaliland oo laba Qaran ah ninkii ku dhexdhexaadinaya diyaar baanu u nahay," ayuu ku adkeystay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Walaalaha Xamar jooga ee aynu walaalaha nahay haddey taa arkayaa waanu wadahadleynaa, inta aysa leeyihiin gobolada waqooyga ee magaala hebyaalo ayaanu sidaas yeeleynaa oo kolka ay diyaarad gaalo leeyihiin calan kusoo sawirayaan heshiin mayno mana wadahadaleyno, waxaana ay abuureysaa colaad horleh iyo carro horleh".

Intii uu hadal-jeedinta sameynayay, Biixi ayaa sidoo kale soo jeediyey in laga heshiiyo ajendaha wadahadalka, wuxuuna "si qayaxan u sheegay in aysan dooneyn in meesha laga saaro qodobka kala tagga".

"Arrinta labaad ee in nala dhexgalo waxaya weye, in arrinteena aan si toos ah u geysanayo maxkamad caalami ah," ayuu xusay, isagoo aan bixin tafaasiil dheeraad ah iyo Maxkamadda ay u gudbinayaa doodooda.

Wadamadda Beesha Caalamka ayuu "cod dheer ugu baaqay in ay taageeraan qadiyadda gooni-u-goosadka maamulkiisa aan wali aqoonsiga helin".

Hogaamiyaha oo sii hadlaya ayaa carabka ku dhuftay in aysan marnaba aqbali doonin in gargaar, kaalmo, qaaraan iyo mucaawino loosoo mariyo Dowladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay "cadowga Somaliland".

Qaramada Midoobay iyo hay'addaha gargaarka ayuu ka dalbaday in ay si gaar ah ula macaamilaan maamulkiisa oo aysan waxba ugu darin xukuumadda fadhigeedu yahay magaala madaxda Muqdisho.

Somaliland ayaa ku dhawaaqdey 1991-dii in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxaana saaxiibadda caalamka u ictiraafsan yihiin maamul goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM