Somaliland oo maxkamad soo taageysa shaqaale ajaaniib ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa shaacisay inay qabatay afar markab oo laga leeyahay Masar. Marakiibta waxaa lagu qabtay kalluumeysi sharci darro ah.

Sidda uu sheegay Taliska Ilaalada Xeebaha Somaliland, afarta markab waxaa la socda shaqaale aan tiradooda la shaacin.

Howladeenadda ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago, sidda laga soo xigtay sarkaal sarre oo u hadlay taliska.

Bishii December 7-deeda, 2019, ayay ahayd markii ciidamadda ilaalada Somaliland ay xireen 22 kalluumeysato u dhalatay Yemen laguna eedeeyay jilaabasho sharci darro ah.

Doonyaha laga leeyahay Yemen ayaa laga qabtay degaanka Ceel-daraad oo ku dhow magaaladda Berbera.

Admiral Maxamed Faarax Hiiraan, taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa sheegay in ay xoojin doonan howlgaladda ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darada iyo tarxiilka.

Sikastaba ha ahaatee, xeebaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin goobaha maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan kalluumeysi sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM