Somaliland oo mowqif horleh ka qaadatay deyn cafinta Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland oo Sabtida maanta ah wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan deynta la sheegay in uu Bangiga Aduunka ka cafiyey Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha maamulka Hargeysa, ayaa sheegay in Baanka Aduunka uu "duudsiiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd" guusha ay xukuumadda Muqdisho ka gaartay dedaalda qaan-dhaafka.

Intii lagu guda jiray shir jaraa'id, Biixi oo ku adkeystay in ay ka madax banaan yihiin Soomaaliya inteeda kale ayaa caalamka waydiistay in gooni loola macaamilo.

Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa weerar afka ah ku qaadey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday. Markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxaannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahay," ayuu hoosta ka xariiqay Mr Waraabe.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], madaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, ayaa ku eedeeyay Baanka Aduunka "in uu ka weecday dariiqii saxda ahaa ee caalamka kula macaamilo Somaliland".

"Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin," ayuu xusay.

Isagoo u muuqda mid kala hadlay maadaama kolkii hore uu sheegay in "laga duudsiiyey" kaalintooda, haddana Biixi ayaa tilmaamay in aysan qeyb ka ahayn deynta la sheegay in laga dhaafayo waddanka Soomaaliya.

"Baanka Adduunka waxaanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Muuse Biixi Cabdi.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan 4.5 bilyan oo Doolar ayaa gaartay mar-xalada go'aan qaadashada, waxayna u gudbeysaa barta gunaanudka, taas oo ugu yaraan qaadan karta saddex sano, ugu badnaanna 16-sano ah.

Hadalka hogaamiyeyaasha siyaasada Somaliland ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii hore xukuumadda Nabad iyo Nolol ay u dabaaldegtay "guulo qabyo ah oo ay ka gaartay qorshaha deyn-cafinta".

Somaliland oo tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaan wali la aqoonsan, waxaana Beesha Caalamka u ictiraafsan tahay maamul goboleed hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM