Somaliland oo shaacisay kiisas horleh oo ah safmarka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah wuxuu shaaciyey lix kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus, taas oo tiradooda guud ka dhigeysa 40 xaaladood.

Warbixinta maalinlaha ee 10-ka bishaan May ee sanadkan 2020 ayuu maamulku daboolka kaga qaadey in bukaanada cusub ay kamid yihiin 396 ruux oo xanuunka laga baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Shan kamid ah shaqsiyaadka cusub ee laga helay cudurka ayaa ku sugan magaala madaxda Hargeysa, sidda ku xusan warbixinta.

Sidda ku cad warbixinta, qofkii shanaad oo ku sugan degaanadda maamulka gooni u goosadka ah ayaa u geeriyooday caabuqa faafa.

Warar ayaa sheegaya in bukaanka dhintay uu dhowaan ka yimid Berbera isla markaana uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Tiradda dadka bogsaday xanuunka ayaa wali ku taagan saddex, taas oo muujineysa in aysan hooseyso dadka caafimaadaya.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa waxay u muuqataa mid wajaheysa koror maalinle ah oo la xiriira xaaladaha xanuunkan aadka halista u ah xilli ay haysato qalab yari una qaylo-dhaamiyeen Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM